Gabadh iyo wiil iyaga oo mayd ah laga helay Stavanger iyo eedaysane loo hayo dilka

Gabadh 20 jir ah iyo wiil 30 jir ah ayaa iyaga oo mayd ah laga helay Stavanger Xalay oo arbaca ah. Dilkan ayaa looga shakiyey nin 40 jir ah in uu fuliyey. Ninkan ayaa ahaa gabadhan ninkeedii hore.

Booliska ayaa fariin helay ku saabsan arintan guri ku yaala Storhaug oo ku taala dhinaca bari ee faras magaalaha Stavanger markay saacadu ahayd 2.19 habeenimo arbacadii xalay.

Booliska ayaa markiiba tagay goobta uu dilku ka dhacay waxaanay heleen labadii ruux oo maydka ahaa.

” Waxaanu arintan u xidhnay nin afartan jir ah oo meesha deganaa. Isagaana looga shakisan yahay in uu dilkan gaystay ” Sidaasi waxaa yidhi Qareenka Booliska ee Ee xarunta Koofur galbeed Fredrik Martin Soma.

Magan-gelyo doonka Suuriyda.

Shir Jaraaid oo uu saaka subaxnimadii qabtay Lars Ole Berge oo ah Madaxa waaxda Booliska ayuu hoosta ka xariiqay in dadkii ku lugta lahaa dilkan wali aan la aqoonsan.

Foto: Carina Johansen / NTB scanpix

-Lakiin ilaa hada macluumaadkaanu helnay waxaanu u qaadanaynaa in dad magan-gelyo doonka suuriya ah ay yihiin” Sidaas ayuu yidhi.

-Ninkan iminka loo hayo dilka ayaa iskii ula soo xidhiidhay booliska isaga oo u sheegay doorka uu ku lahaa falkan- Sidaasi waxaa yidhi Berge.

Macluumaad ay hadeer Boolisku bixiyeen ayaa sheegaya in gabadhan geeriyootay iyo ninka eedaysanaha ahi ay xidhiidh dheer lahaayeen. Marka laga hadlaayo ninka kale ee geeriyooday in uu xidhiidh la lahaa kuwan kale waa arin kale oo mar kale aanu ka hadli doono , lakiin waxaa laga yaabay in ay jiraan waxyaabo kale oo moojin kara in uu xidhiidh la lahaa kuwan kale ee ku lugta lahaa dilka ” Sidaa waxaa yidhi madaxa qaybta.

Kilde/Xigasho: abcnyheter. Halkan ka soo arkhi macluumaad dheeraad ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *