Laba kaclaynta Caabuqa. 22 ardayda iskuulka ayaa qaaday Karoonaha

Tirada dadka Caabuqa Karoonaha Qaaday ee iskoolka Sagdalen oo ku yaala Goobolka Viken ayaa sadex laban laabmay. 7 ruux ilaa iyo 22 ruux.

Kormeeraha degmada ee Lillestrøm , Bettina C. Fossberg ayaa sheegtay tijaabo balaadhan oo ay sameeyeen oo ah ardayda iyo shaqaalaha dugsigaas in ay ku heleen qaar badan oo qaba caabuqa ” Ayey tidhi Fossberg

Kormeeraha degmada ee Likkestrøm , Bettina C. Fossberg.
Foto: Andreas De Brito Jonassen / NRK

VG ayaana ahaa saxaaafadii ugu horaysay ee sheegta kiiskan.

Xaalad Cusub oo Khatar ah

Duqa magaalada Lillestrøm, Jørgen Vik, ayaa sheegay in degmadu ay sameysay wax kasta oo ay oo ay kaga hor tagi karaan caabuqan si dadka loo karantiimeeyo, gooni loo kala sooco iyo ogaanshaha infekshanka.
Duqa magaalada Jørgen Vik

Duqa demada Lillestrøm Jørgen Vik. Foto: Lillestrøm kommune

BAADHITAANKA GUUD: – Tani waa xaalad caabuq oo halis ah, ayuu yidhi duqa magaalada Jørgen Vik.

Degmadu hadda waxay wadahadal la leedahay Machadka Caafimaadka Dadweynaha. Waxay ka wada xaajoon doonaan mustaqbalka dhow sida caabuqa joojin lahaa faafitaankiisa.

Tani waa macluumaad sidoo kale u isticmaali kara degmooyinka kale, ayuu yidhi duqa.

Kilde: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *