Heerka Caabuqa Karoonaha ayaa Meeshii ugu xumayd maraaya Dalka Trump


Saddex ka mid ah afartii kiis ee cusub ee cudurka halista ah Ee Karoonaha ayaa ka laga helaa gobollada Republican-ka. Waagii hore, waxay ahaayeen Gobolada dimoqraadiga oo uu si adag ugu duftay xanuunkana Karoonuhu Sababta ayaa ahayd inta badan mid siyaasadeed, ayuu yidhi khabiir Mareykanka ahi.

Dalka Mareykanka waxaa si ba’an u saameeyay cudurka ‘Karoonaha ee saf-mareenka ah ‘ ‘waxaana uu gaadhay Arbacadii 1 Luulyo maalintii ugu xumeyd ee cudurkaasi fido iyada oo qiyaastii 50,000 oo kiis la diiwaan geliyey.

Safaf dhaadheer dadka iska baadhaya Caabuqa Karoonaha xeebta Miami
Foto: Lynne Sladky, AP

In ka badan 2.7 milyan oo Mareykan ah ayaa ilaa iyo hadda la diiwaan geliyay in ay qabaan cudurka safmareenka ah . Sidoio kale in kabadan 128,000 Mareykan ah ayaa u dhintey covid-19.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday, khabiir ku takhakhusay xakameynta caabuqa oo u dhashay Mareykanka Anthony Fauci ayaa sheegay intii lagu guda jiray dhageysiga shirweynaha golaha ee Talaadada.

Dhowr gobol ayaa hadda Xaniban – ama waxay ku guuldarreystaan ​​inay dib u furaan sidii loo qorsheeyay, sida laga soo xigtay New York Times:

Magaalada New York lama furin maqaayadaha Cuntada ee gudaha lagu cuni jiray Sida markii hore la qorsheeyey in wiiga soo socda la furo ayey ahayd. Xeebta Miami waxaa dib loo saaray bandoow xiliga habeenkii. Kaalifoorniya waxay go’aansatay in aan baararka iyo makhaayadaha Lagu adeegin gudahooda waxaanuu goaankani khuseeyaa 19-ka qaybood ee gobolka.

Kilde : VG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *