Dhagaysigii Kiiska Markazka Tawfiiq oo Dhammaaday

Waxaa maanta bilawday soona Gabagaboobay dhagaysiga kiiskii Markazka Tawfiiq. Maxakamada Degmada Oslo Byfogdembete ayaa maanta bilawday dhagaysiga dacwada abaaro 9 subaxnimo taas oo soo gabagabooday 6 dii galabnimo.

Dacwadan oo ka dhaxaysay Gudida Markazka Tawfiiq iyo Koox ka soo horjeeda Ayaa dhagaysigeedii soo gebagaboobay. Waxa la dhageystay labada dhinac qareenadooda oo dacwadooda soo bandhigtay. Ka dib na waxa la dhagaystay labada dhinac dadkii u hadlayey. Waxa kaloo la dhagaystay marqaatiyada labada dhinac. Sida uu xogta ku helay SOMNOR 4 ka mid ka mid ah marqaatiyada dhinaca kooxda markazka dacwaysay ay ka maqnaayeen kulanka Halka laba Marqaati ay ka soo xaadireen.

Waxa lagu soo gebagabeeyey in la dhagaystay labada qareen ee labada dhinac. Waxa la rajaynayaa in si dhaqso ah go’aanka maxakamadu u soo saarayaan.

Warbaahinta Somalida Norway.

Somnor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *