Degdeg: Dawladdu waxay heshiis la gashay Danmark safarka firaaqada ah laga bilaabo 15ka Juun

Dawladdu waxay heshiis la gashay Danmark safarka firaaqada ah laga bilaabo 15ka Juun.

Taas macnaheedu waa inaadan u baahnayn inaad karantiil ku joogtid ka dib markaad u safartid inta u dhexeysa Norway iyo Danmark.

Ku safridda Iswidhan iyada oo aan lagaranayn waajibaadka karantiil ayaa wali la tixgelinayaa.

– ” Heshiiska u dhexeeya Danmark iyo Noorway wuxuu ka dhigan yahay in dalxiisayaasha deenishka ahi ay Norwey iman karaan, dalxiisayaasha Norweyna ay u safri karaan Danmark” ayay tidhi raisalwasaaraha dalku Erna Solberg.

– Dalxiisayaashu waa in ay bartaan oo ay raacaan qawaaniinta qaran ee xakamaynta safarka iyo xakamaynta caabuqa, sharciyadaasna daruuri kuma ahan Norway iyo Danmark, ayey tilmaamay Solberg

Kilde : NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *