14,600 oo ingiriis ah ayaa qaatay dhalashada Germany iyagoo ka takhaluusay Toodii Brexit ayaa sabab u ah

Tiradii ugu badnayn ee Ingiriis ah ayaa dhalashadoodii ka takhalusay iyaga oo ku badashay dhalada Jarmalka . 14600 oo muwaadin ayaa dhalashadoodii ingriiska tirtiray taas oo ay ku badasheen dhalashada Jarmlka waxaana sabab looga dhigayaa saamaynta goaankii Brexit.

Dawlada Jarmalka ayaa dhalasho siisay 128,900 muwaadin oo badankiidu ay ka yimaadeen dalka Turkey kuwaas uu tiradoodu tahay 16,200 oo muwaadin , United Kingdom 14600 oo muwaadin, Poland 6000 iyo Romaniya 5800 oo muwaadin.

Sanadkii 2019 waxaa codsaday dhalashada Jarmalka 183 dal ayaa qaatay dhalashada Jarmalka waana sanadkii ay ugu badnaayey dadka helay dhalashadaasi ilaa 2003 taas oo ay heleen 140, 700 oo ruux.

Raadaynta Brexit

Ilaa intii ay Ingriisku goaansadeen in ay inta kale yurub ka baxaan qaataana goaankii Brexit waxaa kor u kacay dadka dalbanaaya dhalashada Jarmalka.

Kilde/Sources: DW. Gudaka ka akhri warka oo aad u sii faahfaahsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *