Sawiro:Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed Ee Norway oo Kulan Wacyi Galin ah u sameeyey Dhalinyarada…

Kulan loogu talo galay wacyi galinta dhalinyarada magaalada Oslo iyo guud ahaanba Norway oo uu soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka dhacay magaalada Oslo.

Muhiimada kulanka ayaa ahayd habka looga wacyi galin karo dhalinyarada inay ku dhacaan falal danbiyeedyo cawaaqib xumo ku keeni kara noloshooda iyo aayahooda danbe.

Qorshaha ay wado jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ayaa hadafkiisu yahay sida loo yarayn karo loona xakamayn karo falal danbiyeedyada ka dhaca caasimada Oslo oo ay gaystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ama loo gaysto.

Waalidiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ayaa muddo soo waday wada hadal qaabka looga hortagi karo laguna wacyi galin karo dhalinyarada ayadoo lala kaashanayo dawlada Norway.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay sharci yaqaano, siyaasiyiin, fanaaniin, Waalidiin iyo dhalinyaro aragtiyo kala duwan ka leh arintaan.

Muhiimada kulankaan ayaa ahayd in toosh lagu ifiyo falal danbiyeedyada magaalada Oslo ka dhacayay bilihii ugu danbeeyey iyo qaabka la isaga kaashan karo waalidiinta, maamulka jaaliyada iyo dawladaba.

Xafladan oo Si jawi heer sare ah uu u dhacay abaabul ahaan iyo Kulankan ahaab waxay ku soo gabagabooday Jawi farxadeed.

Fadlan isha ku hay Somnor goordhaw waxaan idiin soo galinaynaa Videogii oo dhamaystiran

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *