Sadex baabuur ayaa isku dhacay jidka wayn ee E6

Shilkan oo ahaa duqad afka hore ay iskaga wada dheceen ayaa Qaybta Gurmadka degdeg ahi ay baahiyeen waxaanay sheegeen in shilku ka dhacay koonfurta Støren ee gobolka Trøndelag.

Booliska ayaa sheegay in sadexdan baabuur tirada guud ee dadka ah ee la socday ay ahaayeen 5 (shan) Qof shilkuna uu u eegyahay mid aad u daran. Booliska ayaa fariintan shilka baabuurta helay 12:42

Marka la eego Waaxda Caafimaadka oo goobta aaday waxay sheegeen in kuligood lagu wado baxnaanin caafimaad dadkaas oo uu soo gaadhay dhaawac khatar ahi qaybta gargaarka degdeg ah ayaa caawinaaya.

Baabuurtan ayaa ahaa hal baabuur oo kuwa wax lagu rarto ah iyo laba baabuurta gaarka loo leeyahay ah halkaas oo ay laba ka mid ahi shilku afka hore ka soo gaaray.- Sidaas waxaa VG u sheegay Maamulaha hawlgalada Trond Volden .

Voldan ayaa waxa uu yidhi Waxaa soo gaadhay dhaawac culus baabuurta . Waxaana goobta timid diyaaradii gargaarka degdega ahayd sidoo kale ambalaasyo badan ayaa yimid sidoo kalena wadada waa la xidhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *