Wasiirada Arimaha Dibada Iswidhan oo Ku werersan Wada shaqaynta Nordisk

Wasiirada arimaha dibada Iswidhan Ann Linde Oo ay Cabsi galisay in Caabuqani uu Dhaawacaayo Wada shaqaybtii wadamada Nordisk la isku yihdaahdo.

-Xuduuda oo la xidhaa waa khatar samaynaysa boogo/nabaro qoto dheer- Sidaasi waxaa tidhi Wasiiradii Arimaha dibada ee Iswidhan Ann Linde. waxaanay ka cabsi qabtaa in caabuqan karoonuhu uu dhaawacaayo wadashaqatii wadamada Nordisk.

Norway waxay furtay u socdaalka wadamada Nordiska marka laga reebo Iswidhan taasi waxay abuurtay jahawareer wayn Gaar ahaan Xadka Iswidhan.

-Waxaan ka walaacsanahay, in iskaashiga Nordic uu saamayn taban ku yeesho, gaar ahaan meelaha xuduudaha” Linde ayaa sidaasi u sheegtay Dagens Nyheter.

Waxaa la diiwaan galiyey 4,874 oo u geeriyooday Caabuqa karoonaha sidoo kale 51,614 ayuu ku dhacay caabuqaasi dalka Iswidhan.

Kilde: AP/(NTB)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *