Hal ruux ayaa dhaawac culusi soo gaadhay ka dib markii lagu tooriyeeyey Storgata.

Hal ruux ayaa dhaawac culusi soo gaadhay kadib markii la tooriyeeyey waxaana loo qabtay dhacdadan laba nin oo loo xidhiidhinaayo in ay falkan fuliyeen.

Booliska ayaa la soo gaadhsiiyey fariintan ku saabsan tooriyeyntan oo ka dhacday Storgata maanta markay saacadu ahayd 14.15, Ku dhawaad markii uu shilku dhacay. Laba nin ayaana ka tagay meesha iyaga oo lugaynaaya sidoo kale Booliiskuna waxa uu helay Tilmaamo wanaasan oo khuseeya labadan ruux.

” Waxaanu hadda qabannay laba nin oo aanu la xidhiidhinayno dhacdadan. waxaannu helanay mindi lagu fuliyey tooriyeyntan” Sidaasi waxaa Bogga Twitter ku qoray 15.50 booliska, qiyaaskii hal saac kadib markii ay heleen ogaysiinta tooriyeynta/midiyeynta

Labadan nin waxaa laga qabtay Bernt Ankers gate. Waa nin Qiyaastii 20 jir ah waxa uu goobtii ku helay caawimada degdega ah waxaana markii dambe loo qaaday dhinaca cusbataalka si loogu daweeyo.

“Ma ogin ilaa hada Xaaladiisu in ay culustay tahay” Ayuu yidhi maamulaha hawlgalka Gjermund Stokkli oo la hadlay VG markay saacadu ahayd 15.32.

Foto: Christina Quist, VG


Booliska ayaa xaqiijiyey goobta waxayna raadinayaan sharraxaad ka socota marqaatiyaasha goobta ku sugnaa. Eyada booliiska ayaa loo isticmaalay aagga booliiskuna waxay la hadlayaan markhaatiyaasha isla goobta jooga Si ay u helaan cadayno dheeraad ah .

Kilde/ Xigasho: VG. Halkn riix oo ka akhri warka oo Noowiiji ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *