Qoys Somali ah oo Lagu cunsuriyeeyey Elverum falal xuna lagula kacay.

Reer Bulhan waa Qoys Somali ah oo degan Elverum waxa ay aad u ga cabanayaa Dhibaato badan oo ay Dad yar ku hayaan siday sheegeen qoysku.

” Dad aan tiro badnayn ayaa na dhibay ama na daba dhigtay oo nagu haya dhib iyo cunsuriyad ” Sidaasi waxaan tidhi Fatumo Bulhan.

Qoysku waxa uu sheegay in sadexdii sano ee ugu dambeyey ay dadkan tirada yar ay dhib ku hayeen iyaga.

Foto: Skjermdump

Faadumo Bulhan waxa ay sheegtay in ay ku yidhaahdaan ” Neger” marka ay la kulmaan ayna sameeyaan salaantii Naziga ee Hidler iyo halkudhagyo ah ” White power”.

Hooyada Qoyska ayaa waxay sheegtay in Geerashaka ay gaadhiga ku xaraystaan ay sannado hore dadkani jabsadeen, ayna ku Kaajeen Gidaarka, ayna ku daadiyeen sagxada geerashka biyaha lagu dhaqo muraayadaha iyo saliid, alaabtii meesha taalayna ay kala daadiyeen.

” Waxaan u baqayaa caruurtayda, Waayo haddii ay aniga igu yidhaahdaan Niger waan u dhaafi karaa ilaa xad, lakiin haddii caruurtayda lagu yidhaahdo way dhib gelinaysaa marka ba.”

Way kacdaa habeenkii waxaanay hubisaa in xalaada caruurteedu fiicantahay. Ma doonayso in ay cabsidan ku sii noolaato waxaanay hooyada Qoysku Go’aansatay in ay u guuraan Magaalada Oslo.

Hooyada Qoysku way Jeceshahay Elverum Waxaanay sheegtay in ay dad badan oo fiican ku noolyihiin. Sidoo kale waa wax laga xumaado in iyaga iyo hablaheedu guuraan ayey tidhi.

Todobaadadii ugu dabeeyey waxaa qoyska ku dhacay laba dhacdo iyo hanjabaado.

Jimcihii Ina soo dhaafay mid ka mid ah hablaheeda iyo afar hablood oo kale waxay ka carareen dhalinyaro budhcad ah.

Isniintiina waxay la soo dersay qoyska dhacdo cusub kadib markii Ridwan Mussa gacanta laga dhaawacay.

Koox dad ah oo alwaax sidata ayaa guriga ku soo weeraray. Xaaladdu waxa ay noqotay mid cabsi dhalisay. Booliisku waxa ay u kicitimeen wax lagu sheegay iska hor imaad dhex maray waalidiin iyo carruurtoodii.

Foto: Privat

Gabdhuhu waxa ay sheegeen in casaabadu ku jajabiyeen gaadhigooda ulo bir ah iyaga na ay ey nooca Shafarka la yidhaa ay ku caydhsadeen. NRK video-gaas siday wax u dhaceen wuu arkay.

Foto: Privat

Qoysku aad ayey cabsiyi u gashay.

Qoysku waxa ay sheegeen in la ciijiyey oo hooyada lagaga garaacay alwaax dhabarka iyagoo bannaanka guriga jooga kolkii ay damceen in ay soo xidhaan albaabka.

NRK wuxu arkay video-ga ay koox dad ahi isku deyaaan in ay guriga soo galaan iyagoo adeegsanaya ulo bir ah iyo waxyaalo kale.

Usbuucii ugu danbeeyey qoysku waxa ay ku nool yihiin cabsi ah in waxan oo kale dhacaan.

Gabdhuhu waxa ay sheegeen in ay cadaalad darro tahay in aanay habeenkii dibad u bixi karin.

Albaabku mar kasta waa in uu xidhnaado, haddii aan dibedda ku maqan ahay na waa in la i soo doonaa ayey tidhi gabadhi.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *