307 000 oo arday ayaa maanta loo qaatay waxbarashada jaamacada ee dalka Iswiidhan

307 000 ( sadex boqol iyo todoba kun) oo arday ayaa maanta loo qaatay waxbarashada heerarka jaamacadeed ee dalka Iswiidhan (Heerka 1aad iyo heerka labaad-Bachelor and masters degree), tirada guud ee xaraysatay jaamacadaha ayaa ahaa 452 815 (afar boqol iyo laba iyo konton kun sideed boqol iyo shan iyo toban) arday.

Ardaydan ayaa 10% ka badan intii sanadkii hore loo qaatay heerarka jaamacadeed.

Dawlada ayaa ku kordhisay 12 000 ( laba iyo toban kun) oo boosas cusub ah sanadka 2020.

Tirada ardayda ku dhigaynaysa iyaga oo aan jaamacada joogin ayaa iyaguna gaadhay 110 000 (boqol iyo toban kun) oo arday.

Kor u kaca ayaa yimi ka dib markii dad badani ay shaqo waayeen xanuunkan COVID 19 dartii, halkaas oo ay doorbideen in ay raadsadaan cilmi ay shaqo ku heli karaan iyo kuwo sii korodhsananayab.

Qaybaha kala duwan ee waxbarashooyinkan ayaa u badan kuwo xirfada oo uu barashada caafimaadku ugu horeeyo.

Kilde/Xigasho: https://www.uhr.se/om-uhr/nyheter/pressmeddelanden/2020-pressmeddelanden/rekordmanga-antagna-till-distansutbildningar/

Abdulkadir Awga
Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *