Degdeg: Dawlada Norway oo Dalkeeda u fasaxday dalal badan qaarna ka xanibtay.

Shir saxaafadeed ay Maanta dawlada Norge ay qabatay ayaa waxa ay ku sheegtay in dhamaan Yurub dalxiisayaashii Ka imanayay albaabada loo furay laga reebo dhowr dal laga bilaabo 15.juli.

Bishan aynu ku jirno ayaa xuudada loo furayaa dhamaan Yurub laga reebo Kroatia, Luxembourg, Portugal, Romania, Bulgaria iyo Ungarn. Waxa ay Dawladu sheegtay in ay Dalxiisayaasha loo furay Dalka aanay galayn wax karanter ah marka ay yimaadaan kuwa Ka taga Norge na sidaasi si leeg tahay.

Video Vg

Waxa kale oo ay Dawladu xayiraadii Ka qaaday sadex magaalo oo Sveriga Ka mida sida Kronoberg, Skåne iyo Blekinge. Wixii intaas dheer gadaal baa laga soo sheegi doonaa 14 cishaba waxa la eegayaa xaaladaha soo kordhay.

Kilde/Xigasho: VG Gudaha ka daawo Vidoega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *