Gudoomiyaha Jaaliyada Norway Oo Finnland lagu soo dhaweeyey

Safar shaqo oo aan u galnay maanta wadanka Finland ayaa noogu bilawday jawi wanaagsan. Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland Mohamed Jama iyo Gudoonka Pedan ayaa Abdifitah Jano Gale ayaa si wanaagsan noo soo dhaweeyey anagoo ka bilawnay booqashada xarunta jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland magaalada Helsinki taasoo ay ka muuqato shaqo wanaagsan.

Wada hadalka labada jaaliyadood ayaa ku salaysan wada shaqaynta iyo iskaashiga labada jaaliyadood ee Finland iyo Norway iyo in la kala faaidaysato dhinacyada kala duwan. Kulamada aan la qaadanayno Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland ayaa socon doona sadex maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *