Degdeg: 51 jir Dhalasha UK haysta oo Loo Qabtay Hanjabaad Bob oo ka dhex dhacday Diyaaradii Rynair London-Oslo

Nin 51 jir ah oo ayaa looga shakiyey hanjabaad bom oo uu ka dhex sameeyey diyaarada Rynainer oo ku soo socotay madaaraka Oslo Galinkii dambe ee Maanta oo Jimce ah.

Ciidamo Boolis ah oo aad u xoog badan ayaa gaadhay galabta oo Jimce ah madaarka Oslo ee Gardemoen kadib markii diyaarada oo hawada ku jirta socdaalkeedii ay London ka timid ay heshay Hanjabaad Bum iyada oo hawada ku jirta.

Rakaabki diyaarada ayaa lagu wargaliyey in ay ka tagaan alaabtooda gacmahana ay madaxa saaraan una dhaqaaqaan dhinaca iyo xarunta soo dhawaynta ee madaarka diyaarada waxaa baadhanaya kooxaha gurmadka degdega ah iyo kuwa miino baadhka.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xaalada. Waxay xidheen nin 51 jir ah oo Ingiriis ah, oo looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay hanjabaada.

Hoggaamiyah Adeegyada Wadajirka ah Olav Unnestad wuxuu xaqiijinayaa in ninka lagu qabtay diyaaradda.

– Waxa aannu bilownay baadhitaan kiiska oo aannu wareysi la yeelan doonno ninka sida ugu dhakhsaha badan, ayuu yidhi Unnestad.

Warbaahinta VG mar ay wax ka waydiisay boolika hadii ogaadaan in ninkani xidhiidh la leyahay urur ama shabakad waxay yeelayaan waxay ku jawaabeen in aanay wax badan ninkan ka aqoon.

” -Laakiin waxaan haynaa macluumaad ilaa hadda xidhiidh la leh Waxan dhacay, ayuu yidhi taliyaha hawlgelinta ee bilayska bariga, Marit Furuseth.

Arintan ayaan wax saamayn ah ku yeelan Gaadiidkii Hawada ee ka duulaayey ama soo fadhiisanaaya Garoonka Diyaaradaha.

Kilde: VG:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *