Ninka 28 jirka ah oo doonayey in uu hooyadii dhaawaco ayaa boolisku sheegay in uu qudha ka jaray hooyadii kadibna isagu uu is dilay.
Sabtidii ayaa ruux dumar ah oo 54 jir ah iyo nin 28 jir ah laga helay maydkooda guri ku yaala Askøy oo ka yara baxsan Bergen.
Boolsika ayaa rumaysan in ay tahay dil iyo naftiisa dile. Booliska ayaa xaqiijiyey in baaritaankoodu uu muujinayo in wiilkan uu mindi ku dilay hooyada, ka hor inta aanuu naftiisa dilin.
” Fikirka laga qaatay ayaa sidaa ah ilaa iyo intay hawshu cusubtay. Qiyaastaas ayaa la xoojiyay kadib qaliinka baaritaanka” Sidaasi waxaa VG u sheegtay qareenka booliska Elisabeth Bru .
Qareenka Booliska ayaa sheegtay in xogta caafimaad ee ninka ay tahay qayb dabiici ah oo ka mid ah baadhitaanka.
” Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano waxa dhacay iyo wixii ka dambeeyay shilka” ayey tidhi Bru.
Foto: Marit Hommedal, NTB Scanpix
Kilde/Xigasho: VG. Riix halkan oo warka oo dhan ka sii akhriso