18 Shaqaale ah iyo 10 bukaan jiif ah oo la karantiimeeyey Cusbataalka Stavanger.

18 shaqaale ah iyo 10 bukaan jiif ah ayaa la karantiimeeyey cusbataalka Stavanger kadib markii laga helay Caabuqa Karoonaha mid ka mid ah shaqaalahaas.

Ruuxan shaqaalaha ah ee laga helay Caabuqa ayaa u sabab noqday in 28 ruux la galiyo karantiin .

Lama xidhan qaybtii ay ka joogeen cusbataalka sidaasina waxaa qoray Waaxda Caafimaadka ee Stavanger.

Ruuxan waxaa laga helay caabuqa maanta lakiin dadka kale ee meesha la joogay lagama helin caabuqa. Ruuxan shaqaalaha ah ayaan caabuqa ka qaadin shaqada sidoo kalena muu aadin meed debada uga baxsan Norway.

” Si wanaagsan ayaanu guud ahaan xaalada uga war haynaa iyo xakamaynta fidida caabuqa sida ugu macquulsan in aan luu gudbin bukaanjiifka” Sidaasi waxaa yidhi ku simaha madaxa fulinta Cusbataalka Stavanger Ketil Helgevold.

Foto: Carina Johansen / NTB scanpix

Kilde/ Xigasho: abcnyheter. Riix halkan si aad uga sii bogato faahfaahin dheeri ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *