Laga bilaabo sanadka cusub waxaa lagu soo rogayaa shirkadaha tagaasiga sharciyo aad u adag.

Dawladu waxay joojinaysaa bixintii ogolaashaha tagsiga ee bilaa shuruuda ahaa( Frislippet).

Iyada oo qayb ka ah shaqada shirkadaha si ay u noqoto si badbaado leh oo shirkad dhab ah, waxaanu soo bandhigaynaa tiro shuruudo ah oo cusub oo loogu talagalay dadka shatiga haysta laga bilaabo sanadka cusub. Sidoo kale waxaanu soo bandhigaynaa shuruud ah damaanada baanka, shuruuda laydhka calaamada u ah taxiga iyo shuruuda waraaqaha taximeterka iyo gaadhiga oo loo diiwaan galiyo in uu yahay gaadhi taxi ah iyadoo laga laga diiwaan galinaayo goobta diiwan galinta baabuurta” Sidaasi waxaa yidhi Wasiirka Gaadiidka dalka Norway Jo-Ivar Nygård.

Shuruudahan cusub oo dhaqan galin doona 1 bisha janaayo 2020 waa qayb ka mid ah qorshada dawlada si ay u sugaan dhab ahaanshaha taagaasiilayaasha.

Shuruda Damaanad qaadiska baanka iyo laydhka taxiga lagu garto.

Waxay noqonaysaa shardi in damaad bangi uu lahaado shatigq taxi sidoo kale shatiyada gawaadhida xamuulka ee yaryar, xamulka waawayn iyo basaska safarka. damaanad qaadka waxaa loo dhigay qadar lacageed oo ah ilaa 5000 oo yuuru oo ah marka ugu horaysa ee shatiga la helo iyo 2500 oo yuuru kuwa gadaal laga dalbaday ah .Shuruudan la xidhiidha gaadiitagaasida waxay heli karaan shuruud ka fudud shuruuda la xidhiidha gaadhiidka kale sida basaska iyo xamuulka.

Dawoladu waxay doonaysaa sidoo kale in ay dhaqan galiso laydhka tagaasida lagu garto.

  • Macmiilka ku tiirsan in uu arko calaamada gaadhiga xili hore ama si cad, waxay noqonaysaa qayb ka mid ah in tagaasida oo dhami ku calaamadsanaadaan laydhka lagu garto tagaasida. Sidookale shardiga in laydh lagu xidhi tagsiga waxay fududaynaysaa in la aqoonsado tagsiga la eego.” sidaas ayuu yidhi Nysgård wasiirku. Shardiga nalku waa arin shardi farsamo kaas oo la ogaysiinaayo ESA. Hadii wax is badal ahi ku dhici dalalka kale ee EØS ta ilaa desember sharidi ayey noqonaysaa sidoo kale 1 janaayo 2023

Shardiga waraaqaha la aqoonsan yahaye ee Tagsimeterlka

Waxaa Sharidi ah in taximeter la ogol yahay ee waraaqihiisa wat in uu gaadhiga ku rakiban yahay . Tani waa in uu ruuxu haystaa in aanu shartiga tagisa ku shaqayn.

  • Waxaanu rabanaa in aanu sugno in taksigu noqdo in si sax ah loogu diiwaan galiyey gaadhiga taxiga lagu diiwaan galiyey iyo in uu ku rakiban yahay taximeter.

Taximeteka oo taxi lagu rakibaa waxa ay muhiim u tahay in ay dawladu sugto in ay baadhitaan ku samayso dhaqaalaha soo gala ruuxa , waxaanay yaraysaa lacagta madawga lagu qaato, waxa uu sugaa in macmiilku helo qiime sax ah taxi habaysan” Sidaasi waxaa yidhi wasiir Nygård.

Mulkiilayaasha shatiga ogolaanshaha tagsiga ee hore u haystay shirkad shaqaynaysa waxay soo gudbin doonaan waraaqahooda sanad gudihii.

– Vi trenger et krav om kompetanse for løyvehavere. Det er i dag ingen kompetansekrav til disse, kun til sjåfører. Det er problematisk. Hvilke krav som stilles til løyvehavere har avgjørende betydning for å sikre at vi har seriøse aktører i næringen. Vi ønsker å få dette på plass så tidlig som mulig i 2023, sier Nygård.

Shuruuda aqoonta xirfadeed ee mulkiilayaasha shatiga tagsiga.

Marka aynu eegno shuruuda aqoonta tasiga ee aqoonta xirfadeed ee mulkiilayaasha shatiga tagsiga, waxaa ku jirtaa ka doodid sidoo kale shuruudaha kale ee dhaqan galaya 1. janaayo. Si kastaba ha ahaatee, shuruudaha aqoonta xirfadeed waxay u baahan tahay isbeddel lagu sameeyo sharciga, Wasaaradda Gaadiidkuna waxay hiigsanaysaa inay u dirto soo jeedin sharci sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah.

Waxaan u baahanahay shuruudo ku saabsan kartida dadka shatiga haysta. Hadda ma jiraan wax shuruudo aqooneed ah oo kuwan ah, keliya darawallada ayaa shruudaasi khusaysaa. Waa dhibaato. Shuruudaha la duldhigay kuwa shatiga haysta ayaa ah muhiimad gaar ah si loo hubiyo inaan ku leenahay xubno dhab ah oo ku jira shirkadaha. Waxa aanu rabnaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan u hirgalino sanadka 2023, ayuu yidhi Nygård.

shuruudahani wuxuu dhaqan galayaa 1 Janaayo 2023.

Shuruudaha soo socda ayaa la soo bandhigay sanadka cusub:

-Codsiga dammaanadda bangiga ama shirkadda caymiska ee shatiga, Shuruuda ah in dhammaan tagsiyadu ay leeyihiin nalalka saqafka.

-Shuruudaha ah in dadka shatiga haystaa ay isticmaalaan baabuurta ka diiwaan gashan tagaasida ee Diiwaanka Baabuurka hawlahooda shatiga u baahan.

– Shuruudaha in qofka shatiga haystaa ka hor inta aanu bilaabin hawlaha tagaasida uu u caddeeyo hay’adda shatiga in gaadhiga loo isticmaalo tagsi ahaan uu uga diiwaan gashan yahay taksi ahaan Xarunta diiwaanka baabuurta iyo in tagsi mitirku uu buuxiyo shuruudaha xeer 1 October 2009 no.1226 shuruudaha tagsi mitirka ayaa lagu rakibay gaadhiga.

-Hay’adda shatiga bixisaa waxay u oggolaatay shuruucda gaadiidka ganacsiga inay bixiso ka bixinka shuruudaha lagu hayo diiwaanka safarka tagaasida.

-Kordhinta kharashka bixinta liisanka tagsiga laga bilaabo 3,400 NOK ilaa 3,700 NOK. Waxaa awood u leh hay’adda shatiga si ay u bixiso ka dhaafitaanka xadka sare ee kharibitaanka deegaanka waxyeelada leh ee tagsiga xaaladaha gaarka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *