Wax Ka ogow u safrida Danmark. Maxaa furan? Maxaad samaynaysa?

Wax Ka ogow u safrida Danmark. Maxaa furan? Maxaad samaynaysa iyo maxaa Ka reeban norske dalxiisaha ku sugan Danmark hada?

Waxa ay Danmark sheegtay in 15 Juun ay u furantahay norskaha dalxiisayaasha ahi in ay u soo safri karaan, waxa ay Norge sheegtay in ay iyaguna albaabada u fureen dalxiisayaasha Danmark 15 Juun in ay u soo safri karaan Norge.

Foto: Kristin Sørdal

Dawlada Danmark ayaa si ku meelgaadha qodobo U diyaarisay dalxiisayaasha ka imanayaa Norge, Tyskland iyo Island.

1- U hoyashada Denmark: Dawlada Danmark waxa ay kaa rabtaa in aad sii xejisato booking garaysato Hudheel ama Guryaha fasaxa oo aad gacanta ku haysato balse meesha Aad U hoyanaysaa aanay ahayn København iyo Fredriksberg sababtuna ay tahay korona viruska oo ku badan ama ka 2 meelaha hale.

2- København waad tegi kartaa oo Aad joogi kartaa maalintii oo dhan, makhaayadaha wax Ka cuni karta wax Ka cabikartaa balse Uma hoyankartid.

3- Dhamaan Bangiyada, meelaha lagu ciyaaro, Dabaasha, Meelaha wax laga cuno, Teyaaterka, Shaneemada, Carwooyinka, Dukaanada IWM, Waxa la furaya 8 Juun. Dawlada Norge ayaa waxa ay ogaysiinaysaa Dalxiisayaasheeda u safraya Danmark in ay ilaaliyaan sharciga Ka hortaga Cudurka Koroonaha.

Sida tan: In aad Gacmahaaga dhaqdo markasta In aad Ka feejignaato is Dhunkashada In aad Ka feejignaato istaabashada iyo isku soo boodka laabta la isasaaraayo Ilaali fogaanshaha Ugu yaraan 1 meter u jirso Qofka kale. Waxa ay Dawlada Danmark soo jeedinaysaa in aan la raacin Gaadiidka dadwaynaha oo baaskiil ama lugta la isdicmaalo.

Kilde/ Xigasho: Dinside. Halkan ka sii Akhri warar kale oo dheeraad ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *