Abid Raja iyo Aabihii oo isku dhegan .. iyo Aabihii oo Beeniyey Waraysigiisii.

Abdul Qayyum Raja Aabaha dhalay wasiirka dhaqanka Norway Abid Raja Oo Waraysi ay ka qaaday jariirada VG. Eedaymo Culus oo ku saabsay Habkii ay u soo koriyeen Waalidiintii iyo Qayskiisa.

Radia ga Vioce of Norge oo Ay la soo xidhiidheen Aabaha Dhalay Wasiirkan iyo Qosykiisa ugu dhaw Kuwaas oo rabay in ay ka jawaabaan eedaymaha uu u soo jeediyey wiilkoodu.

Waraysigaas oo ku baxay afka Urdo ga ahaana saacad iyo badh ayaa waxaa uu aabuhu Abdul qayyum Raja oo ah nin ehlu diina ayaa sheegay Eedaymaha ku saabsan in uu dili jiray aabihii aanay ahayn qaar ka duwan ama ka arxan daran taabashada caruurta la taabto ee caadiga ah isla markaana aan waxyeelo gaadhsiinayn ilmaha. Taas oo ka duwan taa inankuusu ku sheegay waraysigii ay la yeelahay VG eegu.

Aabaha Abid Raja. Foto. Vioce Of Oslo

Waxa uu sheegay in aanay dhab ahayn in inankii uu la dhici jiray Suun, ull ama si kale aragagax daro leh aanuu ula dhaqmi jirin Abid

Sida aabuhu uu sheegay Qoyskiisu waxa ay ka soo jeedaan Dhaqan ay caadi tahay in ilmaha dilitaan lagu koriyo.

Isaga oo ka jawaabaya suaal ahayd in dilitaankaa caruurta ee dhaqankiisa ka mid ah sida uu maanta u arko, Waxa uu sheegay in waqtiga iyo mujtamacuba is badalay sidaa daraadeed iminka aragtidiisii dilitaanka koritaanka ay wax iska badaleen.

Waxa kale oo uu raaciyey in wax iska badaleen aratidii barigii hore ee ahayd in aanay is guursan karin dad aan isku dabaqad ahayn (Castes) waayo dhaqankaa uu ka soo jeedo ayaa u diidayey in ay is guursadaan xaaska uu Abid qabo maanta.

Aabuhu waxa uu sheegay in Abid aanuu ku soo korin Saboolnimo mar kastana ay caawimaada uu u baahdo ay siin jireen. Tusaale ahaan inay ka bixiyeen waxbarashadiisii, ka caawiyeen iibsashada gurigiisa iyo waliba noqoshada uu noqday afhayeenkii masaajidka WIM.

Xaga siyaasada Waxa ay sheegeen qosykiisu in ay ololaha doorashooyinka ka caawin jireen sidaa daraadeed waxa ay qosyku is waydiiyeen sababta keentay in uu Abid eedaymaha noocaas ah uu u soo jeediyo Aabihii iyo guud ahaan qosykiisa. Waxaanay ku macneeyeen in ay suurtagal tahay in shaqadiisa cusub ee wasiirka dhaqanka dhaleecayni kaga timid sidaa daraadeed uu buulsho waynta reer Norge uu simabtii uga baahan yahay.

Daawo videogan

https://www.youtube.com/watch?v=6VQTfl0KUgw&feature=share&fbclid=IwAR0yL6MwB-xS44m62WJL0eoMe6UEBJfWD1N_RldA4ETVF8j76RG2fYqrD00

Kilde/Xogasho. Radio Voice of Oslo-FM 99.3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *