NAV waxay bixisay lacag dhan 8.5 bilyan oo Karoon oo Dagpenger ah intii lagu jiray Xaalda Caabuqa

Tan iyo intii laga dhaqan galiyey waxyaalihii lagu xakamaynayey Caabuqa Karoonaha ayaa NAV waxay qabatay 182,200 oo dalab oo ku saabsan dagpenger/shaqolaanta sidoo kale waxay ku bixiyeen 5,1 bilyan kr. Intaas waxa iyana soo raacda in ay soo gaadhay 175200 qor oo ay siiyen lacag dhan 3,5 milyan karoon oo ah lacag qadimaad ah.

Afartii todobaad ee u dambeyey waxaa NAV soo gaadhay 20, 000 oo dalab todobaad walba oo ku saabsan Dalabka Shaqolaanta (dagpenger) tani waa korodh aad u sareeya marka loo eego bilawgii sanadka oo ay soo codsadeen dalbaka shaqolaanta (Dagpenger) oo ahaa 3000 oo dalab todobaadkii.

Intii lagu jiray Khatarta Caabuqa Waxay NAV ku bixisay 5,1 milyan oo karoon dhinaca shaqolaanta( Dagpenger), halka ay 2,7 milyan karoon ay siiyeen kuwii soo codsaday marka laga bilaabo todobaadka 11 aad ee sanadkan oo macnaheedu tahay laga bilaabo 9 maarso ee sanadkan 2020 taas oo ay ku jirto bixinta lacagta qadimaada ah ee dadka ku shaqo beelay caabuqan taas oo noqonaysa 8,5 milyan karoon oo la siiyey ilaa waqtigan.

NAV waxa kale oo ay shaqaalaysiisay dad maareeya dalabyadan si ay u fududeeyaan kiisaskan. Ujeedadoona waa in sida ugu macquulsan ay u bixiyaan mushahaka ay dadku xaq u leeyihiin. “Waxaanu maalin kasta la kulanaa kiisas cusub oo badan kuwaas oo la diyaarin doono dhamaadka bisha Juulay ee sanadkan” Sidaa waxaa yidhi Sigrun VĂ¥geng oo ah agaasimaha shaqada iyo daryeelka.

Foto: Gorm Kallestad / NTB scanpix

Kilde/Xigasho: NAV wixii war ah ee dheeraad ah halkan riix oo sii akhriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *