Darawal Taxi ayaa midi la galiyey Xalay magaalada Stavanger

Ninkii tagsiga waday ayaa booliska la soo xidhiidhay taas oo ay fariinta heleen 1.26 subxnimo. Waxa uu sheegay darawalku in ruux macmiil ahi mindi galiyey .

“War sidaas ah ma sii sheegin” sida uu Abuukaadka boolisku Fredrik Martin Soma warbaahinta VG.

Darawalku wuxuu booliska u sheegay in uu banaanka joogo markii uu booliska la hadlaayey .

“wuu miyir qabay markii uu boolisku yimid 1.35 daqiiqo” sida uu sheegay Soma.

Warsaxaafadeed boolisku uu soo saaray ayaa wuxuu ku qoray in dhibanaha dhaawac wayni soo gaadhay markay meesha ugu yimaadeen. Markiiba waxaa gacan qabtay shaqaalaha caafimaadka waxaana luu qaaday cusbataalka Stavanger

Abuukaadka boolisku Fredrik Martin Soma waxa uu VG u sheegay in warbixin cusub aanuu ka haynin xaalada dhibaha kadib markii la geeyey cusbataalka.

Boolis aad u badan ayaa baadi goobay helida nin 20 jir ah oo looga shakiyey dilkan waxaanay ninkii ku soo qabteen banaanka magaalada Sunde qiyaastii markay saacadu ahayd 5.30 daqiiqo saaka.

Foto: Pål Christensen, Stavanger Aftenblad

“Ninka waxaa lagu eedeeyey isku day dil ” Sidaa waxaa yidhi Soma. Sidoo kale Soma waxa uu u sheegay wakaalada Wararka NTB in eedaysanuhu yahay nin boolisku yaqaano oo danbiyo hore galay. Boolisku ma helin wixii uu ku muday Darawalka.

Boolisku waxay dadka u sheegayaan degan Sunde in ay la soo xidhiidhaan hadii ay markaa wax arkeen sacadihii u dhexeeyey 1.00 iyo ilaa 5.30 subaxnimo.

Boolisku waxay la kulmeen markhaatiyo lakiin dad goobjoog ahaa markay waxani dhacayeen ma ay ahayn.

“Dad ayaanu la xidhiidhnay lakiin cid goobjooga maanu arag waxaanaanu aad u xiisaynayaa in aanu la kulano dad waxan arkayey ama wax maqlay arintan ku saabsan” Sidaa waxaa yidhi Booliska .

Kilde/Xigasho: VG. Halkan riix oo ka eeg warka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *