Banaanbaxii Stockholm oo Xadhkaha goostay iyo Booliska oo soo faragaliyey

Fiidkii xalay markii ay saacadu ahayd abbaaro 18:00 (lixdii fiidnimo) ayaa waxa isugu soo baxay barxawad weyn ee Sergels tory ee Stockholm in ka badan 2000 (laba kun oo qof) oo banaan bax taageero ah u muujinayay ninkii madawga ahaa ee ay dileen booliska maraykanku.

Isu soo baxa waxa soo abaabulay sadex dhalinyaro gabdho ah, sida ay ugu warameen talafishanka Sweden ee SVT waxay ogolaansho ka soo samaysteen booliska, iyaga oo dadka ugu baaqay koox koox 50 qof ah ay isu raacaan (xaaladan xanuunka COVID19 awgii waa mamnuun in ka badan 50 qof in ay meel isugu yimaadaan dalka Sweden).

Maadaama dadku ka badnaayeen intii loo ogolaa waxaa soo faragaliyay booliska, waxaana sii batay in dad badani kusoo qulqulaan meeshii kulanku ka dhacayay waxaana bilaabmay socod iyo in meelo kale uu isu soo baxu ku sii faafo, isku dhac dadkii banaanbaxa samaynayay iyo booliska ah ayaa dhcay waxaanay adeegsadeen boolisku ”pepparspraj” oo ah biyo qaji lagu kululeeyay oo wajiga dadka lagaga shubo, taas oo ay u haystaan sharci in ay adeegsadaan marka ay dhacdo xaalado ay dadku cidhiidhi galiyaan hawlaha booliska.

Carolina Paasikivi oo ah madaxa booliska qaybta koonfurta Stockholm ayaa mar ay war siinaysay talafishanka SVT sheegtay in la ilaalinayo xuquuqda iyo sharciga asaasiga ah ee xoriyatul qawlka laakin xaaladan jirta darteen aanu isu soo baxu ka badnaan karin 50 qof markiiba.

Iyada oo sii wada hadalkeedii waxa ay tidhi waanu taageersanahay in loo doodo sinaansho iyo in dhinac la iska taago wax kasta oo ku shaqo leh cunsurinimo.

Hawlgalkii xalay ay boolisku ku kala direen isu soo baxayaashii ayaa ah mid baadhitaan gudaha ah lagu samayanyo bal in wax la qalday iyo in looga faa’iidaysto xaalado kale oo dhaca mustaqbalka.


Abdulkadir Awga
Sweden

Kilde/Xogasho: Svt Fadlkan halkan ka soo akhriso warka kana daawo Videoga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *