Sting Engström oo ay ku cadaatay in uu dilay Raisal Wasaarihii Sverige.

(Stockholm 10 Juni 2020) Baadhitaankii faldanbiyeed ku saabsan dil ee ugu mudada dheeraa ee taariikhda dalka iswiidhan ayaa maanta la soo afmeeray, baadhitaankaas ayaa waxa uu qaatay muddo dhan 34 sano, waxa uu ahaa dil dhacay 28 Febraayo 1986 kii oo lagu dilay ra’iisal wasaarihii dalka Iswiidhan OLOF PALME.

Olof Plame ayaa waxa uu noqday ra’iisal wasaaraha iswiidhan dhawr mudo xileed (1969-1976, 1982-1986). Waxa uu ahaa siyaasi aad u hadal cad aadna uga soo horjeeday nimaadka raasamaaliga sida USA halkaas oo ay koox yari hantida gacanta ku hayso, waxa uu ahaa gudoomiyaha xisbiga shaqaaalaha 1969 ilaa1986 oo ahayd xiligii la dilay, waxa uu si adag u naqdiyay dagaalkii maraykanku ku qaaday Fiitnaam iyo nidaamkii midab kala sooca ahaa ee ka talin jiray koonfur Afrika isaga oo taageero u muujiyay xisibiga madawga ah ee ANC (bilawgii baadhitaanka dilkiisa ayaa lagu tuhmay koox calooshooda u shaqaystayaal ah oo caddaankii koonfur afrika ahi ay dileen).

Waxa ay ahayd goor fiid ah xili uu ra’iisal wasaaruha iyo xaaskiisu isu raaceen sinimooga (shaneemada) si ay u soo daawadaan film qosol ah oo ay naftooda kusoo yar madadaaliyaan, cid ilaalo gaar ahina lama socon, daawashadii filimka ka dib ayaa waxay ay u soo lugeeyeen xaga iyo faras magaalaha oo aan ka fogayn goobtii ay filimka ku daawanayeen, kana sii fogayn guriga ra’iisal wasaaraha waa wadada Sveavägen oo badhtanka Stockholm ah.

Isaga oo xaaskiisii Lisbeth Pame gacanta haysta ayaa dhawr xabadood lagu dhufto, dhawr laabta ayay kaga dhaceen halka kuwo kale ay xaga lugaha kaga dhaceen, waa xilli ay saacadu ku beegnayd 23:21, in yar ka dib dhakhtarkaa loola cararay halkaas oo lagu dhawaaqay in uu naf waayay.

Baadhitaanka ayaa adkaaday maadaama la waayay cid toos u arkaysay cida dilka gaysatay iyo wax raad ah oo aan goobta dilku ka dhacay lagu arkin. Laba sano ka dib oo ahyad 1988 ayaa waxaa la qabtay Crister Pettersson waxaana lagu xukumay in uu dilka isagu gaystay, dhawr bilood ka dib ayaa racfaankii uu ka qaatay xukunka maxkamada sare isaga u go’aamisay oo laga fasaxay, Crister ayaa la siiyay magdhaw maadaama xukun qalad ahi ku dhacay. Wixii intaa ka danbeeyay kolba gudi garyaqaano ah ayaa loo dirayay hawsha baadhitaanka oo aan wax war ah ka soo saari jirin, Crister ayaa sii ahaa weli ka kaliya ee la tuhunsanyahay maadaama ay ku adkaysanaysay xaaskii Palme inuu uu yahay ka dilay ninkeedii, Crister ayaa u dhintay arimo la xidhiidha wadne xanuun sanadkii 2004, iyada oo weli tuhunku saaranyahay, taas oo uu maalmihii u danbeeyay noloshiisa uu odhan jiray in ay noloshiisa wax badan ka xanibtay tuhunkaasi

Maanta ayaa waxa koox xeer ilaalinta ah oo baryahaaba ku hawlanaa arinkan ay ku qabteen shir jaraa’id xafiiska xeer ilaalinta guud ee Stockholm, baadhitaanka oo uu hogaaminayay xeer ilaaliye sare Krister Peterson ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ra’iisal wasaare Palme uu dilay Sting Engström, oo intii baadhitaanku socday ku caan baxay ”Skandiamanen”, Sting waxa u ka shaqayn jiray shirkada weyn ee caymis ka ah ee Skandia. Isla habeenkaa la dilay Palme ayaa waxa markiiba la soo xidhiidhay booliska Sting Engström oo sheegay in uu arkay ninka dilay Palme, kulamo badan oo lala yeeshay iyo qoraalo badan oo laga sameeyay ayaa dhalisay shaki ah in uu noqdo in uu isaga laftiisu yahay dilaagii Palme, wuu diiday eedaymaha loo soo jeediyay waxa cadayn ahna laguma helin xiligaas. Sting Engström waxa uu dhintay sandadkii 2000. Gebogebada war murtiyeedka xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in cadaymaha la helay oo aanay ku jirin hubkii lagu dilay ama wax DNA ah in Sting Engström uu dilay Olof palme, maadaama aanu noolayn hadda dacwadii halkaa lagu xidhay.

Abdulkadir Awga
Sweden

Kilde/souces: SVT

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *