Kiis Dil ah Oo Socday 16 sano Oo dalka Sverige Oo la helay ninkii gaystay

Kiis dil ah oo baadhitaankiisu socday mudo 16 sano ayaa shalay (09 june 2020) xall loog helay, dilka ayaa ka dhacay magaalada Linköping waxaana lagu dilay wiil yar oo 8 jir ahaa oo ajnabi muslim ah iyo macalimad Iswiidhish ahayd oo is tidhi badbaadi, labadaba waxaa lagu dilay mind.

Waxaa hadda gacanta lagu dhigay ninkii dilka gaystay oo lagu ogaaday baadhitaan dhinaca DNA ah kadibna isagu uu afkiisa ka qirtay dilka labada qof, ninkan ayaa ah 37 jir iswiidhish ah, sida ay sheegtay Britt-Louise Viklund oo hogaaminaysay kooxdii baadhitaanka waday waxa uu ahaa nin kaligii nool oo 16 kaa sano si caadi ah kaligii isaga noolaa, sababta uu dilka u gaystayna uu sheegay laakin baadhitaanka oo wali socda darteed aanay sheegi karin.

Abdulkadir Awga
Sweden

Kilde/Xigasho:SVT

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *