Raisal wasaaraha dalka oo Sheegtay in aan Sweden la aadi karin.

Raisal wasaaraha Dalka Norge Arna Solberg ayaa shaacisay in loo socdaali karo wadamada jaarka lakiin waxay ka reebtay dalka Sverige taas oo ay ku sheegtay in aanay Shuruudii Buuxin. Sidoo kale waxa ay fasaxday Aaditaanka Jaziirada Gotland oo ay sheegtay in loona safri karo loona sii dhex mari karo hadii aad u safrayso Denmark

” Waa Iska caadi in aynu bilawno aaditaanka Jaararkeena Wanaagsan ee Norden .. Isla Dadka reer Nordana sidoo kale way u socdaali karaan fasaxooda Xagaaga goboladaasi iyagoon la karantiimayn ” Sidaa waxaa tidhi Raisal Wasaaraha dalka Arna Solberg.

Daawo Videoga

Way kala saartay Nordenka oo kuwa calaamada Cagaarka ah la saaray waa la aadi kartaa se Sverige waxaa saaran calaamad cas markaa lama aadi karo waayo Sverige may buuxin shuruudii dawlada, marka laga reebo jaziirada Gotland oo ku taal Xeebta bari. Waa Goobta kali ah ee ku taala Sverige ee ilaa hada la ogol yahay in loo safro oo waliba gaadhina lagu mari karo adiga oo raba in aad aado Denmark.

Foto: Terje Bringedal

Kilde/ Xigasho: VG hadii aad rabto in aad soo eego war dheeri ah halkan riix

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *