Wererka Shaqo laanta dhalinyarada oo kor u kacday

(2020-06-16 Sweden) Wakhtiga fasaxa xagaaga ama samarka ayaa dhalinyaro badan oo jaamacadaha dhigata ama wata koorasyo kale oo waxbarasho ay heli jireen shaqooyin dheeraad ah inta fasaxa lagu jiro, shaqooyinkaasi badanaa waxa ay u badnaayeen adeeg bixinta sida makhaayadaha laga cunteeyo, baararka laga sharaabo, goobaha nasashada loo tago iyo meelaha ciyaalka lagu ciyaarsiiyo.

Haddaba sanadkan oo uu aduunka kala xidhay xanuunka Covid19, waxa shaqo l’aan baahsan ayaa soo wajahday dhalinyaro aad u badan, halka kuwada hadda shaqada ku jiraa 50% ay ka warwarsanyihiin in shaqadu ka istaagto, sida ay qortay shabakada warbaahinta ee Aftonblodet.

Natalie oo 26 sano jir ah ayaa shaqadii laga joojiyay kadib markii uu bilaabmay faafida xanuunka COVID19, waxa ay ka shaqaynaysay maqaaxi, mar kaliya ayuu istaagay qulqulkii dadku, balamo badan iyo xaflado jirayna waa la baajiyay, habeen kaliya ayaan ka dareernay ayay tidhi aniga iyo asxaabtaydii aan wada shaqaynaynay.

Natalie isla markiiba magaaladii ay deganayd wey ka guurtay waxaanay shaqo yar oo xafiis ah ka heshay Stockholm oo ay hadda ka shaqayso, werwer badan ayaa dhalinyarada haysta xataa iyaga oo soo qalinjabiyay, waxaa laga doorbidayaa kuwo khibrad leh oo wakhti badan soo shaqaynayay, Natalie waxaa intaa ku dartay in asxaab badan oo ay leedahay ay shaqooyin kale oo aan ahayn wixii ay barteen ay bilaabeen sidaas ayaana u fiican ayay sii raacisay.

Love Holmström oo 19 jir ah sanad ka hor ayuu dugsiga sare ka baxay waxaana uu samaystay shirkad yar oo u gaar ah taas oo samaysa bogaga internetka kana caawisa shirkadaha kale sidii ay suuqgayn ugu samayn lahaayeen alaabooyinkooda dhinaca baraha bulshada, gacansigaasi Love wuu u guulaystay bil kastana wuu sii kobcayay ilaa bilawgii bishii 3aad ee sanadkan, wixii intaa ka danbeeyay si deg dega waxaa hoos ugu dhacay dalabkii uga iman jiray shirkadaha raba in loo suuqgayn loo sameeyo.

Lukas O berg oo ah madaxa Insight intelligence oo ah haayada samaysa cilmibaadhista iyo xog ururinta bulshada ayaa sheegtay in markii ugu horaysay mudo shan sano ah ay dadka shaqadooda ka warwarsan in ay waayaan ay ka bateen dadka aan shaqadooda ka warwarsanayn.

Dhinaca kale hablaha dhalinyarada ah ayaa aad uga warwarsan in ay shaqadoodooda waayaan ama ay helaanba shaqo inta lagu jiro xaaladan marka la barbar dhigo da’dooda wiilasha ah.

Ugu danbayn Petter Stjernström oo 21 jir waxna ka barta jaamacad Lund waxa uu sheegay in uu xaraystay shaqooyin badan xiliga fasaxa xagaaga laakin wax jawaab ah aanu helin, taa badalkeeda waxa uu sii xaraystay koorasyin waxbarsho xiliga xagaaga ah si uu isugu dabaro lacagta ardaynimida xiliga fasaxa lagu jiro.

Cabdiqaadir Awga

Sweden

Kilde/Xigasho: Aftonbladet

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *