La-Taliyihii hore ee Taraam Oo Siro Badan Faafiyey.

Buug uu qoray la-taliyihii hore ee amniga Taraamka Maraykanka John Bolton ayaa waxa uu ku sheegay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin in uu Taraam shiinaha kula heshiiyay in uu ka dhimi doono cashuuraha hadii Shiinuhu iibsado xadi badan oo waxyaabaha carada lagu nafaqeeyo ah, taas oo uu codad badan kaga helayo beeralayda Maraykanka ee soo saarta caro nafaqeeyayaasha.

Foto: Mark HumphreyAP/TT, Michael Reynolds/EPA/TT

Taas waxa uu ku macneeyay dalab dadban oo ah in uu Shiinahu ka caawiyo Taraam sidii loo dooran lahaa mar kale.

Waxa kale oo uu Bolton buugiisa ku xusay in madaxweyne Taraam aqoon la’aan badani ka haysato aduunka, waxa uu sheegay in uu weydiiyay in wadanka Finland uu ruushka ka tirsantahay, waxa kale oo Taraam aanu ogayn in Ingiriisku uu leeyahay hubka nukliyeerka.

Wasaarada cadaalada Maraykanka ayaa ka cabatay buuga waxaanay sheegtay in ay tani tahay mid jabinaysa sir ilaalintii xafiiskii uu hayay John Bolton, sir badan oo dawlada ahna dibada u saaraysa, qareenka Bolton ayaa waxa uu sheegay in ay dib u eegi doonaan cabashada wasaarada difaaca dibna ay jawaab ka bixin doonaan.

Kilde/Xigasho: Svt

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *