91 Somalida Norway ah oo Cusbaatalka loo dhigay Karoonaha ayaa iminka ka bogsaday

Kow iyo Sagaashan Somalida Norway ah ayaa cusbataalada loo dhigay Caabiqa Karoonaha hadeerna way ka bogsadeen

Abdirashid Warsame waa Dhakhtar u sameeyey Somalida Videos wacyigalinta dhibka uu leeyahy caabuqu. Waana Cilmi Baadhe u shaqeeya OUS. Foto: Privat

boqolkiiba sideed dhibic afar 8.4% dadkii caabuqa karoonaha loo dhigay Cusbataalada ayaa waxay ahaayeen Dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliya. Waa tiro aad u badan lakiin iminka caabuqa karoonuhu wuu ka baxay Somalidii Norway, sida ay sheegeen Folkehelseinstituttet.

Ilaa iyo intii lagu guda jiray Faafida Cabuqa waxaa cusbataalada la digay 1083 ruux Sida uu tirakoobka Cusub ee Folkehelseinstituttet uu sheegayo 91 ruux ayaa ahaa Somalida Norway waxaanay tirada boqolayda ka noqonaysaa 8.4% Waa tiro badan.

Ilaa iyo 1990 waxaa yimid dalka Norway 34000 oo ruux oo ka yimid Somaliya kuwaas oo isugu jira dad lagu keenay midaynta Qoyska ama guur, ama Qaxootinimo. Sidoo kale qaar badan oo Somalida Norway jinsi ahaana Somali ah ayaa ku dhashay Norway lakiin kuwaas maada dad loogu tiriyo in Somaliya ku dhasheen.

Waxaynu hore u ogayn shan meelood meel ahaan dadka qaba Caabuqa Karoonaha ee ka yimid dibada Norway in ay yihiin Somalida Norway. Waana Xadi aad u wayn. Lakiin waxaa farxad inoo ah in hadeer hoos u dhac waynu ku yimid faafida caabuq ee Somalida Norway todobaadadii ugu dambeeyey.

Sidaasi waxaa sheegay Thor Indseth oo ka tirsan Folkehelseinstituttet. Waxaanuu ka tirsan yahay qaybta ka masuulka ah caafimaadka dadka soogalaytiga ah.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *