Tirada Cusub ee Caabuqa Waxay sheegaysa in 20 jiradu ugu badan yihiin hadeer.

Tirada cusub ee caabuqa karoonaha ee la eegay Noorway waxay sheegaysaa in dadka ugu badan ee hadeer qaaday Caabuqu ay yihiin dhalinyarada 20 iyo 29 jirada u dhaxaysa kadib markii bishan lixaad laga eegay caabuqa 103 dhalinaro ah halkaas oo laga helay intiiba.

Markii hore ee Caabuqa Koroonuhu yimid Norway Dadka ugu badan ee qaadaa waxay ahaayen dadka u dhexeeya 50 jir ilaa 60 lakiin hadeer Dhalinyaradii laga eegay Caabuqa badankoodu waxay noqdeen in ay qabaan.

” Hadeer Fiditaanka Caabuqu Aad ayuu hoos ugu dhacay dhinaca dadka waaweyn marka loo eego bilawgiisii” Sidaas waxaa tidhi Helena Niemi Eide, dhakhtarka qeybta Ilaalinta Caabuqa iyo Diyaargarowga Xaaladaha Degdega ah ee FHI.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *