5 sano ayaa lagu xukumay raisal wasaarihii hore ee Faransiiska musuqmaasuq awgii

Raiisal wasaarihii hore ee dalka Faransiiska ayaa lagu xukumay shan sano oo xadhig ah kadib markii lagu eedeeyey musuqmaamusq uu galay.

François Fillon ayaa maanta lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kadib markii uu siiyey xaaskiisa iyo caruurtiisa lacago faro badan oo malaayiin koron u dhiganta oo ay ku shaqaystaan taas oo uu si toos ah uga bixiyey Khasnada dawlada.

François Fillon wuxuu ahaa Raiisal Wasaarahii Faransiiska xiligii Madaxweyne Sarkozy ee sanadihii 2007 ilaa 2012, wuxuuna ahaa musharrax muddo dheer doonayey inuu noqdo madaxweynaha dalka ilaa sanadkii 2017. Maantana waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Fillon waxaa qasab noqotay inuu soo gabagabeeyo ololihiisa madaxtinimo ee dalka Faransiiska ka dib markii ay soo baxday in uu xaaskiisa Penelope uu ku mushahar siiyay shaqo aanay waligeen qaban.

Foto: BERTRAND GUAY / AFP

Isugay xaaska Raisal Wasaaraha dalka Faransiiska la siiyey lacag u dhiganta 5 milyan oo lacagta Noorway ah iyadoo magacawnayd xoghay markii uu odaygeedu wakiilka ahaa Golaha Qaranka Faransiiska sanadki 1998 ilaa 2013.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *