3 dii Duuliye 1 ka mid ah dalka Pakistan ayaa haysta shahaado foorjari ah, Waana Khatar Wayn

Sadexdii Baylood hal ka mid ah ayaan haysan shahaada duulinta diyaaradaha ama ay tahay lisankiisu mid foorjari” ah sidaasi waxaa yidhi Wasiirka Duulista ee dalka Baakistan.

In ka badan boqolkiiba sodon (30%) duuliyayaasha shacabka ah ee Baakistaan waxay haystaan shahaado aan sharci ahayn oo foorjari ah ogolaanshiiyona uma haystaan duulinta diyaaradaha, wasiirka duulista dalkaasi Ghulam Khan Sarwar ayaa sidaasi ka sheegay kulan loogu dabaal degaaya maalinta golaha qaranka .

Mandatory Credit: Photo by SHAHZAIB AKBER/EPA-EFE/Shutterstock (10655140ak) Officials

Waxaanu yidhi 262 Duuliye oo ka hawl gala Baakistaan may qaadan imtixaankii” waxaanay iibsadeen kursi ruux kale leeyahay ” Ma laha Waayo aragnimo Duuliyanimo” Waxa uu yidhi Baakistaan 860 duuliye ayaa ka hawl gala duulimaadyada dalka gudihiisa iyo kuwa dalka debadiisaba ah marka lagu daro diyaarada sidata calaamada Pakistan International Airlines (PIA) iyo sidoo kale waliba tiro ka mid ah dadka debada ka soo aqoonta doontay” Sidaasi waxaa yidhi Khan.

(AP Photo/Fareed Khan)

PIA waxay shaqada ka fadhiisisay dhamaan duuliyayaashii sida sharci daroda ah ku helay shahaadooyinkooda.

Sidoo kale Baadhitaan. la waday sababta keenay dhicitaanka Diyaaradii ay saarnaayeen 97 qof ee ku burburtay Karaaji Khan Muu cadaynin labadii duuliye ee waday in ay haysteen shahaado forjari ah iyo in kale

Somnor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *