Shaqo abuurid la yaab leh oo loo sameeyay arday xili fasaxeedka Xagaaga dalka Sweden.

Sanad kasta xiliga fasaxa xagaaga waxaa shaqooyin fudud loo diraa ardaydda dugsiyada hoose iyo sare (13-18), taas oo ay ay kala duwanyihiin shaqooyinka ay qabanayaan iyo saacadaha shaqada ay qabanayaan sida uu qeexayo xeerarka shaqad ee ku xusan LO iyo Arbetsmiljöverket.

Ujeedooyinka laga leeyahay in la shaqo galiyo ardaydaa waxaa ka mid ah in la baro shaqada, in ay helaan lacag yar maadaama kuwa 18 ka weyn aanay xaq u lahayn in ay dalbadaan lacagta xiliga ay waxbarashadu xidhantahay iwm.

Hadaba sanadkan maadaama la xidhay meelo badan oo ay ardaydaasi ka shaqayn jireen, waxaa arday badan soo waajahday in ay waayaan meel ay ka shaqeeyaan.

Degaano badan oo Sweden ka mid ahi mid walbaa sidiis ayuu isugu dayay in uu xal u helo arinkaa, degmada Vimmerby ee ka tirsan dhulka Småland ee koonfurta Sweden ayaa maamulka degmadu waxa ay ardaydii u sameeyeen shaqo abuuris ay aad ugu riyaaqeen isla maamulkii degmadu.

Patric Enqvist oo ka mid ah madaxda degmada iyo asxaabtiisa ayaa la yimi fikrad ah in ardayda loo furo fursado shaqo 3 todobaad ah oo ay samayn doonaan akhris; waxa ay dooran doonaan 3 buug ay rabaan kadibna wey soo akhriyayaan kadibna waxay dooranayaan ilmo yar oo 6-7 jir ah oo ay u akhriyaan buuga, su’aalana ka weydiiyaan, kama danbays waxa ay soo gudbinayaan qoraal yar oo ay ku soo koobeen buuga.

Ardaydii iyo maamulkii degmaduba waa arin ay u riyaaqeen. Waxaa la filayaa in 45 arday ay ka faa’iidaystaan mashruucan.

Abdulkadir Awga
Sweden

Foto: Farhad Khalili/SVT

Kilde: https://www.svt.se/nyheter/lokalt/smaland/erbjuder-sommarjobb-med-boklasning

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *