Wuxuu Rabay in uu Boolis Noqdo se Waa Loo diiday Waxaana loo diray meelaha Daryeelka caruurta iyo Waayeelka

Waxa uu rabay in uu barto boolisnimo, waxaa se loo diray in uu kasoo shaqeeyo goobaha caruurta yaryar iyo dadka waaweyn lagu xanaaneeyo oo uu khibrad ka soo korodhsado.

William Linberg ayaa waxa uu buuxsaday codsiga jaamacada lagu barto boolisnimada oo dugsiga sare ka dib la barto mudo laba sano iyo badh ah.

Haddaba in loo ogolaado qofka in uu noqdo boolis waxa ay martaa hanaan dheer oo adag, waxa ka mid ah hanaanka uguna danbeeya ahna ka ugu adag tijaabada maskaxeed (psykologtest), tijaabadaa waxa lagu weydiiyo su’aalo badan oo laga soo dheegtayo xaalado dhab ah oo uu la kulmi karo boolisku xiliyada shaqada uu ku gudo jiro, ma aha kuwo uu qofku iskuul ku baranyo laakin waxa ay u baahantahay bisaylka qof ahaaneed ee la dhaqanka aadamaha iyo xalinta khilaafdka maalinlaha ah, iyo in uu go’aan qaadasho waafi ah samayn karo.

Hadaba William oo ka soo gudbay tijaabooyinkii kale (waxbarashadii dugsiga sare, caafimaadkii jidhka, danbi la’aant, dabaash, daroogo la’aan iwm) ayaa waxa uu soo gaadhay xiligii laga qaadi lahaa tijaabadaa xaga maskaxda, waxa uu sheegay in wax kastaa ay si fiican u socdeen, laakiin markii lasoo gaadhay su’aalo ka waramaya in uu la kulmay mar uun xaalado gaar ah oo soo xasuusiyay dhibaato mar hore ku dhacday ama in uu xili noloshiisa ka mid ah u wacday boolis, wax aan ku jawaabo ayaan garan waayay ayuu yidhi.

Marka la eego taariikhda caafimaad ee William aad bay u fiicantahay, laakin waxa ka maqan khibrad ah sidii uu u caawin lahaa qof dhibaato soo gaadhay, sidaa daraadeed waxa uu waayay boos ah in uu barto kuliyada booliska, waa qodobka inta badan dadku ay ku dhacaan, sida ay sheegtay SVT sadexdii xili waxbarasho ee u danbeeyay 5tii qof ee ka soo gudubta tijaabooyinka kale hal qof kali ah ayuunbaa ka gudbayay tijaabadan maskaxda.

Waxyaabaha tijaabada lagu ogaanayo waxa ka mid ah in uu qofku yahay mid dabacsan, oo dad dhex gal leh, masuuliyad qaadi kara.

William waxa lagula taliyay in uu kasoo shaqeeyo goobaha caruurta iyo dadka waaweyn lagu xanaaneeyo si uu khibrad sida dadka loola dhaqmo ah ku soo barto kadib uu soo codsado, laakin waxa uu sheegay in aanu rabin halkaa loo diray laakin uu codsan doono in uu kasoo shaqeeyo daryeelka dadka jeelasha ku jira.

Abdulkadir Awga
Sweden
https://www.svt.se/nyheter/ville-bli-polis-blev-tillsagd-att-jobba-pa-forskola

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *