SAAB oo bilawday samaynta diyaarado dagaal oo ay iibstay Baraasiil


Dhammaadkii sanadkii 2015 kii ayaa heshiis samaynta diyaaradaha dagaalka ah ay la gashay dawlada Baaraasiil wadankan Iswiidhan, heshiiska ayaa dhigayay in shirkada samaynta gaadiidka dagaalka dawlada Iswiidhan ee SAAB ay samayso 36 diyaaradoo oo ahaa nooca oo ah nooca Gripen E/F waxaanay qaadan doontaa magaca SAM-Saab Aeronautica Montagens.

Mashruucan ayaa waxa ku kacaya aduun dhan 39 bilyan oo karoonka Iswiidhan ah oo u dhiganta 4.3 bilyan doolarka maraykank ah. Bilawgii heshiiskan ayaa ahaa mid lacagta wadanka baraasiil aad u hoosaysay sidaa daraadeed waxaa iibku ku dhacay karoonka iswiidhan halkaas oo khasaare 50% (boqolkiiba konton) ahi ka soo gaadhay Baraasiil, hase yeeshee madaxweynihii xiligaa ee Baraasiil Dilma Rousseff ayaa cadaysay in ay awoodayaan iibsashada diyaaradahan, waxaanay okboobar 2015 ku saxeexday heshiiska booqasho ay ku timi Iswiidhan.

Mashruuca samaynta diyaaradahani waxa u ka koobnaan doonaan qayb SAAB ay ku samayn doonto gudaha wadanka Baraasiil, taas oo shaqo abuur u samayn doontaa muwaadiniin badan oo reer Baraasiil ah iyo qaybta kale oo inta badan samaynta qalabku ka dhici doonto oo gudaha Iswiidhan ah, halkaas oo in ka badan 1000 (kun) qof shaqo u abuuraysa.


https://www.svt.se/nyheter/lokalt/ost/start-for-produktion-av-stridsflygplanet-gripen-i-brasilien


https://www.svt.se/nyheter/inrikes/gripen-affar-dyr-for-brasilien

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *