War cusub oo Badhasaabka Oslo Ka soo saaray fasaxida dhaqalihii Markazka Tawfiiq

Xafiiska Guddoomiyaha Gobolada Oslo- iyo Viken Ayaa garawsaday in sidii Maxkamaddu ba ay xukuntay uu Masjidka Tawfiiq leeyahay Guddi la doortay, isla markaa na aanay wax qalad ah ku haysan oo ka jira labada maamul ee Tawfiiq Islamsk Senter iyo Waqafka (Tawfiiq kulturhus), iyadoo sidoo kale ay codsadeen si lacagtii loo siiyo Masjidka Tawfiiq ay soo buuxiyaan hal shuruud oo ah in la soo hor mariyo dhaqangelinta xeerkii Masjidka Tawfiiq ee la ansixiyey/oggolaaday 23.06.2019 si ay u dhammaystiranto shuruudii xeerka Masjidka Tawfiiq. Xeerkaasi oo ah mid la isku waafaqsan yahay sida ay maxkamaddu ba caddaysay.

Sidaa darteed na xafiiska Guddoomiyaha Gobolada Oslo- iyo Viken way hakiyeen deeqdii lacageed ee ay bixinayeen inta ay qiimanayaan Tawfiiq islamsk senter in ay deeqda lacageed ku siiyaan ururdiimeed diiwaangashan ahaan ama ururdiimeed aan diiwaangashanayn. Taas oo macnaheedu yahay in ay oggol yihiin in ay Masjidka Tawfiiq deeqda lacageed u soo daayaan diiwaan ama diiwaan la’aan.

Sidii kiiskani u bilaabmay mar na ba xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Oslo- iyo Viken wax go’aan ah oo ku saabsan diidmo deeq lacageed oo ay Masjidka Tawfiiq ka gaareen ma jirto. Keliya way hakiyeen. Waxa aanay markan ku xireen sidan kor ku sheegnay in xeerka Masjidka Tawfiiq ee 23.06.2019 la dhaqangeliyo. Taas oo sida ay guddigu sheegeen ay dhammayn doonaan hirgelinteeda.

Garyaqaanada u doodaysa dhinaca masjidka dacwadda ku waday ayaa sheegtay in ay damacsan yihiin in ay kiis ka furaan Oslo Tingrett. Taas oo macnaheedu yahay in aanay rafcaan ka qaadan go’aankii maxkamadda Oslo Byfogdembete  ay guddi ugu aqoonsatay Guddigii la doortay 30.11.2018. 

Waa kan nuqul uu helay SOMNOR oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolada Oslo- iyo Viken oo af-noorwiijan ah lingaxan guji:

Riix Halka oo Sii Akhri Goaanka Uu Gudoomiyaha Gobolka Oslo Ka Soo saaray Arinta Markazka Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *