Dil ku eedaysanahan 31 jirka ahi Wuxuu ka qayb qaatay Gacan ka hadal ka dhacay masaajidka Sarpsborg

Waxa hore loogu waayey kiis gacan-ka-hadal ah kal/sannadkii hore: Waxa hore loo siiyey daaweynta jirrada maskaxda

Dil-ku-eedaysaha 31 jirka ahi  wuxu ka qayb qaatay dagaal gacan-ka-hadal oo ka dhacay bannaanka masjidka Sarpsborg.

Habeenimadii arbacada ayaa ninka lagu qabtay madaama uu midiyeeyey saddex haween ah oo joogay meelo kala duwan oo magaalada suuqeeda ah. Haweenay kontomeeyo jir ah waa la dilay, mid na dhaawac weyn ayaa gaadhay, ta saddexaad na weerarkii midida waxa ka soo gaadhay dhaawac yar.

Ninka waxa lagu eedeeyey in uu geystay dil iyo isku-day dil, se weli ma cadda halka uu iska taagayo eedaymahaas.

Booliisku waxa ay sheegeen in ay caddayn u heleen in ninkan iyo laba ka mid ah dumarka dhaawacan ay xidhiidh lahaayeen, halka ta la dilay aanay wax xidhiidhi ka dhaxayn.

Guddoomiyaha Sarpsborg ayaa ku tilmaamay dhacada midida wax aad u xun.

Ninka la qabtay wuxu haystaa dhalashada Noowriijiga, asal ahaanna waa soomaali. Sida ay sheegeen warar ay heshay VG oo kiiska ku saabsan ninkani wuxu Norway deggenaa sannado dhawr ah.

2019 waxa lagu waayey gacan-ka-hadal aad u daran. Xukunka maxkamadda waxa ku cad in ninka sannado yar ka hor la dhigay cisbitaalka waalida, halkaas oo mudo lagaga daweeyey jirrada qardo-jeexnimada ah ee ay adag tahay in la saxo.

Ninka dil in uu geystay lagu eedeeyey waxa la dhigay cisbitaalka ka dib dhacdadii xalay. Booliisku waxa ay baadhid ugu jiraan haddii in jirromaskaxeed ay salka ku hayso dhacadadadani sidii ay ku bilaabantay.

Booliisku waxa ay rajaynayaan in ay ilaa manta waraysataan.

Qareenka eedaysaha ayaa sheegay in uu ku sii socdo si uu ula kulmo qofka uu u doodayo. Sida la qorsheeyey maanta saddexda galabnimo ama kl.15.00 ayaa la waraysanayaan. Waynu eegi ayuu ku yidhi VG qaraankiisa Marius Otterstad haddii ay suurtogeli karto.

Kilde: VG. Halkan ka sii akhri warka oo Faahfaahsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *