31 jir Lacago badan dad ka khiyaameeyey oo la xukumay Iswidhan

Nin 31 jir ah oo lacag ka khiyaameeyay dad gaadhaya 88 ayaa lagu xukumay 4 sano iyo 10 bilood oo xadhig ah iyo in uu bixiyo lacag dhan 85 milyan oo karoon (SEK).

Ninkan ayaa deganaa gobolka Blekinge ee ku yaala koonfurta beri ee Sweden, waxa uu ahaa ganacsade, waxa uu la xidhiidhay dad badan oo ku qanciyay in uu maalin galin u hayo, waxa uu ula yimi waraaqo ah in uu fursado maalingalineed oo shirkado dhismaal ah iyo bangiyaba u galin doono lacagta, dadka ayaa waxa uu u soo diray sawiro isaga oo raaxo ku nool, gaadhiyo qaali ah wata, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay sidiisa oo kale ku noqon doonaan wakhti gaaban gudihii, bilawgii hore dadka qaar waxa ay heleen lacago waanay ku sii dhiiradeen in ay sii bixiyaan kuwii aan helina rajo weyn ayaa sii gashay, laakin mar kaliya ayay isla aamustay, dadkiina wax lacag ah aanay helin.

Dad badan oo isku dayay in ay la hadlaan wuu u hanjabay, kama danbays waa la soo xidhay, waxaana 15 kii juun ayaa danbigii lagu soo oogay oo ahaa 88 kiis oo dhac iyo hanjabaad isugu jira lagun xukumay 4 sano iyo 10 bilood oo xadhig ah iyo in uu bixiyo lacad dhan 85 (shan iyo sideetan milyuun oo karoonka Iswiidhan ah).

Waxa maanta soo gebabobay mudadii xukunka maxkamada racfaanka lagaga qaadan lahaa, looyarka ninka 31 jira ah iyo xeer ilaalinta midnaba racfaan kamay qaadan xukunkuna sidaa ayuu ku dhaqan galay.

Waxa uu sheegay ninka xukunka lagu riday in uu dareensanyahay in dad badan ay dhibaato soo gaadhay, uu rabana in uu arinkaa wax noloshiisa so maray ka soo qaado.

Abdulkadir Awga
Sweden

Kilder: https://www.svt.se/nyheter/lokalt/blekinge/storbidragaren-overklagar-inte-domen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *