Boolis Hubaysan ayaa ku raad jooga nin Qori ku hubaysan

Booliiska magaalada Agder ayaa baadi goob ugu jira nin magaciisa loo sheegay da’diisuna tahay 50-sano jir ka dib shil rabshado wata oo xalay dhacay. Ninkan ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca.

Ninkan boolisk ay raadinayaan ayaa lagu soo eedeeyay inuu jir dil u geystey iyo xayiraad xorriyadeed. Booliisku waxay u sheegeen NRK in ninka mar dhowayd lagu arkay aagga Vennesla halkaasoo ah goobta ay raadinayeen.

“Ma jirin wax xidhiidh ah oo dhex maray ninka iyo booliska, laakiin waxay ahayd aqoonsi la hubo. Waxaa lagu arkay wadad dhinaceeda ka hor intii aanuu u cararin dhinaca kaynta” Sidaasi waxaa NRK u sheegay hogaaanka Hawlgalada ee Xarunta booliska ee Agder Øyvind Hægeland

Habeenimadii Axadda, haweeney 30 sano jir ah ayaa ninkan la baadi goobayaa uu la kulmay dagaan gacan ka hadal ahna uu ku sameeyey. Haweeneydu Waxay aaday dhinaca cusbataalka si ay u hesho dawayn.

Siday Boolisku sheegeen Gabadhn oo Si xun loo garaacay waxaa soo gaadhay dhawac jajab ah

Foto: Thomas Sommerset / NRK

Booliisku waxay ninkan ay ku raad joogaan ay ka raadiyeen cinwaan ku yaal Hægeland, oo koonfur ka xigta Sandlandsvannet, ee degmada Vennesla waan sidoo goobta ay ka heleen haweeneyda
Naagtan iyo ninka ayaan wax xidhiidh ah oo hore aan ka dhexaynin.

Kilde/xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *