Booliska oo Codsaday in laga caawiyo Baadigoobka nin Hubaysan



Indho-indheyn cusub ayaa laga sameeyay ninka 50-sano jirada oo la doonayo ka dib markii uu afduubay haweeney. Kooxda gargaarka deg-degga ah ee ka socota Oslo ayaa ka caawin doonta baaritaankan.

Ninkan Boolisku ay baadidoonayaan ayaa sida ay sheegeen waxa uu xidhan yahay Garan gacmo Gaab ah iyo Koofiyad Caps ah waxaanuu ku hubaysan yahay Qori.

Sababta ninkan loo raadinayo ayaan in uu gabadh uu ku sameeyey jidh dil iyo in uu afduubay/Xoriyada ka qaaday taas oo laga soo qaaday Mandal. Naagtan ayaa Cusbataalka la dhigay waxaanay qabtay dhaawacyo jabitaan ah oo xun sidoo kalena ninka ayaa si xun u garaacay.

Abbaaraha 9-kii fiidnimo ayaa booliisku ku sameeyeen baadhitaan Kayn ku taalay Hageland ee Vennesla taas oo ay ku tuhmeen in uu ninku ku jiro.

Helikobtar booliisku leeyahay ayaa ka hawl galaysa Baadigoobka sidoo kale. Kooxda gurmadka degdegga ah ee ka socota Oslo ayaa sidoo kale waxay ku sii jeedaan goobta.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *