Hooyada ayaa lagu Eedeeyey Dhacdadii dilka ee Lørenskog.

Hooyada Dhashay labada caruurta ah ee la helay iyaga oo Mayd ah gudaha guri ku yaala Lørenskog Subaxnimadii axadii ayaa lagu soo oogay dacwada in ay iyadu dishay.

Booliska Demooyinka Bari ay goaamiyey in lagu oogo hooyada dacwada labad dil ” Sidaasi waxaa yidhi Sonika Sharma-Sundheim Garyaaqanka booliska degmooyinka Bari mar ay qabtay Shir jaraaid maanta galabnimadii.

Øst politidistrikt har besluttet å sikte moren for to drap, forteller Sonika Sharma-Sundheim, politiadvokat ved Øst politidistrikt på pressekonferansen i ettermiddag.

Naantan sodomeeyo jirka ah ayaa la dhigay cusbataalka Ullevål. Boolisku ma doonayo in ay wax warbixin ah ka sheegaan taariikh caafimaadkeeda sababo la xidhiidha baadhitaan ay ku jiraan.

Tani waa masiibo aad u balaadhan oo aad u adag . Waxba ka sheegi karo sida ay hadalka u dhigi doonto, waa in marka ugu horaysa ay miyrsataa ” Sidaasi waxa tidhi Gunhild Lærum oo ah Qareenka Gabadha dilka loo haysto.

Aabaha caruurta dhalay oo markii hore dilka boolisku ay u haysteen ayaa La sii daayey habeenimadii axadii.

Kilde/Xigasho: NRK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *