Waraysi: Gudoomiyaha Markazka Tawfiiq ” Wax badan baa noo Qabsoomay”

Gudoomiyaha Gudida Markazka Tawfiiq Ibrahim Cismaan Xuseen Oo Sheegay in ay Falcelin wanaagsan ka heleen Somalidii Norway Kadib markii sida uu sheegay ay Bishii Ramadaan Dawada u mariyeen Pageka Tawfiiq Taas oo sida uu sheegay todoba Ka mid ah Culimada Somaliyeed Ee Norway ay Si is daba joog ah ay muxaadarooyin uga tabinayeen Ilaa Dhamaankii Bisha Ramadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Salaadii Ciida oo ay ka cabsi qabeen Qabsoomideeda ay Shacabkii Somaliyeen U Hogaansameen Sharcigii ay siday tahay u qaaten Fariintii khusaysay Caafimaadka.

Waxa uu Gudoomiyahu ugu bushaareeyey Dadka Somaliyeed Ee Degan Norway in Ay Ku tukan karaan Salaadaha Casar, Maqrib, Cishaa i iyo Salaada Jumco taas oo u sheegay in ay dadka u diyaariyeen Qaab Electronic ah oo ay u soo codsanayaan Dadku si ay ugu tukadaan Maskidka Salaaahaas kor lagu soo xusay. Dadka ayaa had iyo jeer ka heli doona warbixinaha markazka pageka Tawfiiq uu leeyahay ee barta Facebooka ee ah Tawfiiq islamsk senter Norge.

Gudoomiyaha Markazka Tawfiiq Sheekh Ibrahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *