Degdeg: Maxakamada Degmada Oslo Byfogdembete Oo Goaan ka gaadhay Dacwadii Tawfiiq.. Nuqul soo Gaadhay SOMNOR

Sida ay nuqul ku heshay SOMNOR.Com waxa la soo gebagebeeyey dacwadii la dhagaystay ee ku saabsanayd qilaafka Masjidka Tawfiiq iyo 9 nin oo sheegay in ay Guddi yihiin.

Ka dib dhagaysigii labada dhinac iyo qoraaladii ay soo gudbiyeen, waxa ay maxkamaddu qiimaysay:

Doorashooyinkii dhacay 2018 iyo 2019 waxa lagu sheegay in Ibraahim Cismaan Xuseen uu Guddoomiye yahay. Garabka diiddan ayaa leh si sharci ah looma dooran. Labada garab waxa ay isku diidan yihiin sharciga ururka ee shaqaynaya. Kuwo waxa ay ku dacwoonayaan in sharcigii 1997 uu yahay ka shaqaynaya inta sharcigii 2019 la ansixiyey dhaqan gelayo.

Maxkamaddu waxa ay u aragtaa in aanay kala saari karin sharciga shaqaynaya xilligan, taas oo qusaysay shirweynihii 2018 iyo shirweynaihii aan caadiga ahayn 2019.

Waxa ay maxkamaddu qiimaynaysaa iyadoo ku salaynaysaa arrimaha ay dhagaysatay in Ibraahim Cismaan Xuseen uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Tawfiiq islamsk senter ee si sharci ah u metela ururka, inta doorashadii guddiga 2018 maxkamadi xukun ku burinayso ama doorasho guddi oo cusub lagu bedelayo taas oo lagu qabanayo shirweyne sannadeed caadi ah ama mid aan caadi ahayn oo Tawfiiq islamsk senter qabto.

Maxkamaddu waxay heshay iyagoo tixraacaya qoddobadii ay ku sababaysay xukunkii 17.01.2020 iyo iyadoo haddana ay sheegeen kuwa markii hore la dacweeyey in aanay ahayn guddiga Tawfiiq islamsk senter, iyadoo markaa Tawfiiq islamsk senter ay muujisay in ay xaq u leeyihiin in kuwa la dacweeyey in ay ka joogaan in ay sheegtaan in ay metelaan Tawfiiq islamsk senter iyo in kuwa la dacweeyey aanay xaq u lahayn in wax qoraal diiwaangelin ah u diraan diiwaanka Brønnøysund.

Halkan riix si aad u akhrido goaankii Maxakamada oo dhamaystirdan

GO’AANKA MAXKAMADDA

1. Codsigii ku saabsanaa xukunka ku-meel-gaarka (midlertidig forføyning) wuu soconayaa

2. (9-ka nin) waa in ay ka tagaan in ay sheegtaan in ay metelaan Tawfiiq Islamsk senter.

3. (9-ka nin) waa in ay ka tagaan in ay diiwaan  u diraan diiwaanka Brønnøysund iyagoo sheeganaya in ay ka socdaan Tawfiiq islamsk senter.

4. Xukunkii 17.01.2020 ee kiiskii 20-007898TVI-OBYF, qoddobada 3 iyo 4 waa la tiray.

5. Dacwadii la soo gudbiyey (in la laalo xukunkii hore) lama qaadanayo.

6. Kharashka kiiska lama aqbalin.

 

Warqabadka SOMNORNEWS.COM

Oslo/Norge

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *